10 Nin oo Manchester City Ah oo Old Trafford Ku Garaacay United.

0
kooxda_maanta

Manchester City ayaa saddex dhibcood oo muhiim ah ka qaadatay Manchester United, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaatay garoonka Old Trafford, ciyaar ka tirsanayd horyaalka Premier League-ga oo si weyn loo wada sugayay.

Kulankan oo ahaa mid xammaasad iyo cadaadis badan xambaarsanaa ayaa labada kooxood ku bilowday weerar iyo fursado ay mid walba doonaysay inay kaga faa’iidaysato dhinaceeda. Si kastaba, fursadihii ay abuureen labada kooxood ayaan noqon kuwo miro dhal ah.

Daqiiqaddii 23-aad ayuu kulanku yeeshay ka duwan kii uu ku socday, kadib markii Phil Foden loo taagay kaarka cas, kaasoo yimid kadib markii uu caloosha ka laagay Bruno Fernandes, oo qalad ku galay. Kaarka cas ayaa si weyn u beddelay muuqaalka ciyaarta, iyadoo Manchester United heshay faa’iido tirada ciyaartoyda ah.

Inkasta oo United ay haysatay hal ciyaaryahan oo dheeraad ah, haddana labada kooxood ayaa qaybtii hore ku kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Qaybtii labaad ayay Manchester United si xooggan ku soo gashay ciyaarta, iyadoo Red Devils ay abuureen fursado dhowr ah oo ay hoggaanka ku qaban kareen, balse weeraryahannadooda ayaa ku guuldarreystay inay ka faa’iidaystaan fursadahaas.

Daqiiqaddii 60-aad ee ciyaarta ayay Manchester City, oo toban ciyaaryahan ku ciyaaraysay, dhalisay goolka siiyay hoggaanka ciyaarta, kaas oo ahaa gool uu muran badan hareeyay. Si kastaba ha ahaatee goolkaas ayaa City siisay 1-0 ay ku hoggaamiso ciyaarta.

Manchester United ayaa dadaal xooggan gelisay sidii ay u heli lahayd goolka barbaraha, iyadoo cadaadis badan saartay difaaca City, balse, kooxda martida ahayd ayaa si adag isaga caabbisay weerarradii United, waxaana ugu dambayn ciyaartu ku soo dhammaatay 1-0 ay City ku heshay guusha kulankii derby-ga ahaa.

Guushan ayaa Manchester City siisay saddex dhibcood oo qiimo weyn leh, iyada oo hadda dhibcaha la wadaagto Arsenal oo doonaysa in ay difaacato horyaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *