Kooxda Fenerbahçe ayaa isku diyaarinaysa inay suuqa kala iibsiga bisha Janaayo u dhaqaaqdo weeraryahanka Manchester United, Marcus Rashford, iyadoo qorshaheedu yahay inay marka hore wadahadallo la yeelato dhinaca ciyaaryahanka si loo ogaado inuu diyaar u yahay inuu u wareego horyaalka Turkiga.
Sida ay baahisay majaladda Turkish Football, Fenerbahçe ayaa maalmaha soo socda la xiriiri doonta wakiillada Rashford, iyadoo doonaysa inay ka wada hadlaan mushaharkiisa iyo mashruuca ciyaareed ee kooxda. Haddii heshiis laga gaaro shuruudahaas, kooxda reer Turkiga ayaa markaas wadaxaajood la furi doonta Manchester United si ay uga heshiiso lacagta lagu iibsanayo.
Rashford ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibtooday inuu helo waqti ciyaareed joogto ah, waxaana uu ilaa hadda saftay siddeed kulan dhammaan tartamada. Xaaladdan ayaa sare u qaadday wararka ku saabsan mustaqbalkiisa, iyadoo Fenerbahçe ay aaminsan tahay in fursad ay u heli karto saxiixiisa ay jirto marka uu furmo suuqa Janaayo.
Dhanka kale, Everton ayaa iyaduna lagu soo warramayaa inay xiisaynayso weeraryahanka reer England, hase yeeshee warbixinta Turkish Football waxay sheegaysaa in Rashford uu doorbidayo inuu mustaqbalkiisa ciyaareed ka sii wato meel ka baxsan England, halkii uu ugu wareegi lahaa koox kale oo Premier League ah.
Manchester United ayaa lagu sheegay inay diyaar u noqon karto iibka ciyaaryahanka haddii shuruudaha heshiisku ku habboonaadaan. Rashford, oo qandaraaskiisu Old Trafford ku eg yahay 2028, ayaa lagu qiimeeyey ku dhowaad 35 milyan oo euro, inkastoo qiimahaasi uusan ahayn lacag rasmi ah oo ay United ku dalbanayso.
Si kastaba ha ahaatee, Fenerbahçe weli heshiis lama gaarin Rashford ama Manchester United, waxaana qorshaha hadda la sheegay uu yahay in marka hore lala heshiiyo ciyaaryahanka ka hor inta aan wadahadal rasmi ah laga bilaabin labada kooxood.
xigasho: Turkish Football