Haaland oo 25-ka Kooxood ee Premier League Shabaqooda Gaaray!
Erling Haaland ayaa dhigay rikoor cajiib ah oo Premier League ah, kaddib markii uu gool ka dhaliyay Sunderland kulankii Manchester City ee ku dhammaaday 5–3. Goolkaas ayaa ka dhigay Haaland ciyaaryahan dhaliyay dhammaan 25-ka kooxood ee Premier League ee uu tan iyo markii uu England yimid wajahay.
Sunderland ayaa ahayd kooxda kaliya ee ka dhiman liiska Haaland. Labadii kulan ee hore ee uu ka hor yimid kooxdaas, weeraryahanka reer Norway ma uusan helin gool, balse kulankii ugu dambeeyay ayuu ugu dambeyn jebiyay caqabadda, isagoo daqiiqaddii 81-aad shabaqa taabtay, kaddib markii VAR dib loo hubiyay goolka.
Tirakoobka ayaa muujinaya heerka joogteynta Haaland: wuxuu West Ham ka dhaliyay 11 gool, Crystal Palace iyo Wolves min 10, halka Manchester United uu ka dhaliyay 9 gool. Arsenal ayuu ka dhaliyay 6, Liverpool 3, Chelsea iyo Tottenham min 4, halka Sunderland uu hadda ku leeyahay hal gool.
Si kastaba, rikoodhkan wuxuu weli leeyahay bog kale oo la sugayo. Haaland weli Premier League kama uusan hor imaan Hull City, sidaas darteed haddii uu gool ka dhaliyo marka ay kulmaan, wuxuu gaari karaa 26/26 kooxood oo uu wajahay. Qoraalka Opta Analyst wuxuu sidoo kale xusay in Harry Kane uu horey u dhaliyay dhammaan 32-ka kooxood ee uu Premier League ku wajahay.
Goolka Sunderland wuxuu sidaas ku noqday mid ka weyn saddexda dhibcood ee Manchester City ay ka heshay kulanka: wuxuu Haaland u dhammeystiray ururintiisa 25-ka kooxood ee Premier League uu wajahay, taasoo mar kale muujinaysa joogteynta gooldhalintiisa tan iyo markii uu yimid England.