Alexis Mac Allister oo fariin cad ka bixiyay mustaqbalkiisa Liverpool
Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool, Alexis Mac Allister, ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda, xilli su’aalo laga keenay heshiiskiisa iyo qorshihiisa mustaqbalka. Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa sheegay in uusan weli gaarin go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan waxa dhici doona mustaqbalka.
Mac Allister, oo Liverpool kaga soo biiray Brighton, ayaa weli heshiis kula jira kooxda, waxaana wararku sheegayaan inuu heshiiskiisa hadda laba sano uga harsan yahay. Inkastoo ay jiraan fursado uu kaga tagi karo Anfield, haddana wuxuu muujiyay inuu doonayo inuu xoogga saaro xilli ciyaareedka iyo waxqabadkiisa garoonka.
Ciyaaryahanka ayaa sidoo kale sheegay in xilli ciyaareedkan uu muhiim u noqon karo go’aanka mustaqbalkiisa, isagoo tilmaamay in wax badan ay ku xirnaan doonaan sida uu u ciyaaro iyo sida uu kooxda uga dhex muuqdo.Mac Allister ayaa intaas ku daray inuu Liverpool aad ugu qanacsan yahay, taasoo muujineysa inuusan meesha ka saarin inuu mustaqbalka sii joogo Anfield.
Sidaas darteed, xaaladda ciyaaryahanka ayaa weli furan, iyadoo labada sano ee ka harsan heshiiskiisa ay kooxda siinayaan waqti ay kaga wada hadlaan mustaqbalka.