Real Madrid iyo Man city oo guul ku furtay champions league!
Habeen xiiso badan ayaa laga dawaday Eufa champions league 2026/27,iyadoo kooxo waaweyn ay si guul leh ku bilaabeen tartanka.
Real Madrid 2-1 inter Milan
Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa guul dirqi ah kufuratay tartanka,kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay Inter Milan kulan kadhacay garoonka Santiago bernabèu.kylian mbappe ayaa hogaanka udhiibay,halka Federico Valverde uu goolka lawaad dhaliyay. Inter Milan ayaa hal gool so celisay,balse Real Madrid ayaa awoodday iney difaacto hogaankeda ilaa dhamaadka ciyaarta.
FC Port 0-2 Manchester City
Dhanka kale kooxda Manchester City ayaa si wanaagsan ku bilawatay Champions League,ayadoo 2-0 kaga so adkaatay kooxda FC Porto garoonka Estadio do Dragao ee Portugal. Xidiga reer Norway ee Erling Haaland ayaa noqday geesiga City,isagoo lawada gool ee ciyaarta dhaliyay.
Dortmund 3-2 Villarreal
Dortmund ayaa iyadana guul kagaartay Villarreal kullan shan gool la iska dhaliyay
Lille 2-3 Real Betis
Kooxda Real Betis ayaaa sidoo kale seddexda dhibcood qadatay kadib come back cajiib ah iyadoo 3-2 kaga soo adkaatay Lille
Habeenka xiga maxaa dhici doona?
Indhaha ayaa hadda ku jeeda kooxaha kale ee waaweyn sida Barcelona,Arsenal, Psg iyo Liverpool.Ma iyaguna guul ayey kufuran donaan Champions League-ga,mise qaar kamid ah kooxaha waaweyn aa dhibco lumin doona?