59 kulan oo Champions League ah 59 gool!
Laacibka xulka qaranka Norway iyo kooxda Manchester City, Erling Haaland, ayaa markale sameeyay tariikh cusub oo Champions League ah,isagoo gaaray 59 gool 59-kii kulan ee ugu horeeysay ee uu ciyaaray taratanka eufa Champions League. Haaland ayaa durba noqday xidiga 7-aad ugu goolasha badan taariikhda tartanka, inkastoo uu wali da’yar yahay marka loo eego qaar kamid ah ciyaartoyda kahoreya.
Haaland ayaa kulankiisii ugu horreyay Champions League saftay xilli ciyaareedkii 2019/20, markaas oo uu uciyaarayay kooxda reer Austria ee Rb Salzburg. Wuxuu Salzburg udhaliyay 8 gool 6 kulan, ka hor inta uusan udhaqaaqin Borrusia Dortmund, halkaas oo uu Champions League kaga dhaliyay 15 gool 13 kulan. Kadib markii uu ku biiray Manchester City, Haaland wuxuu tartanka ka dhaliyay 36 gool 40 kulan, taas oo wadarta guud ka dhigtay 59 gool 59 kulan.
Waxaa intaas kasii yaab badan in Haaland uu 50 kiisii gool ee ugu horreysay Champions League uu kugaaray 49 kulan oo keliya, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu dhaqasiyaha badna taariikhda tartanka ee 50 gool gaara.
Dhanka kale, Cristiano Ronaldo ayaa wali haya rikoodhaka gooldhalinta ugu badan taariikhda eufa Champions league isagoo tartanka ka dhaliyay 140 gool. Haaland hadda wuxuu 81 gool ujiraa rikoodhka Ronaldo, lkn ayadoo walli da’ahaan yar yahay isla markaana uu leyahay celcelis goolal oo aad usarreeya,su’aasha weyn ayaa ah: Ma awoodi doonaa Erling Haaland inuu mustaqbalka jebiyo rikoodhka Cristiano Ronaldo oo uu noqdo gool-dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Champions League?