Taabashadisii ugu horreysay ayuu ku dhaliyay gool!

0
FB_IMG_1789037203238

Xidigii horre ee kooxda Arsenal Gabriel Jesus, ayaa isagoo xalay beddel kuso galay u dhaliyay Barcelona gool kisii ugu horreeyay ee Champions League,isagoo ku dhaliyay taabashadiisii ugu horreysay ee ciyaarta.

Gabriel Jesus ayaa isagoo u waramaya TV-ga Sporty Tv sheegay inuu waligiina jeclaa kooxda Barcelona. Waxa uuna kahadlay sida uu ku dhamaaday waayihiisa kooxda Arsenal, isagoo yiri:”Runta waxa ay tahay in aan la tababaranayay kooxda Arsenal inta uu socday pre-season-ka. Inkastoo aan ogaaa inaan fursado badan helli doonin sanadkaan. Waxaan latababaranayay kooxda,kadib waxaa leyga saaray tababarka kooxda iyadoon waxba la isheegin.”

Markii Barcelona ay u soo bandhigtay fursadda uu ugu so biirayo kooxda,Gabriel Jesus wuxuu sheegay inuu isla markiiba ku jawaabay “Haa,waan ku biirayaa”.

Gabriel Jesus ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay inta badan kulamada kaga maqnaa dhaawac, waxaana sidoo kalle la sheegay in macalinka kooxda Arsenal, Mikel Arteta, uu xilli ciyaaredkan qorshihiisa ka saaray weerar yahankaan.

Gabriel Jesus ayaa ku farxay dalabkii ay uso gudbisay kooxda Barcelona, Barcelona ayaa dooneysay iney safkeeda ku xoojiso werar yahankan, madama uu katagay weerar yahankoda Robert Lewandowski, sidoo kalana ay diidmo cad kala kulantay kooxda Athletico dalabkii ay ka gudbisay Julian Alvarez.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *