Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa lagu soo warramayaa inuu heshiis cusub oo muddo dheer ah la saxiixanayo Bayern Munich, isaga oo mustaqbalkiisa u hibeynaya kooxda reer Jarmal, xilli uu qalbi jebinaayo Barcelona oo xiisaynaysay saxiixiisa.
Kabtanka xulka qaranka England, Harry Kane, ayaa lagu soo warramayaa inuu Bayern Munich u saxiixayo heshiis cusub oo laba sano iyo bar ah, kaas oo laacibka ku sii hayn doona kooxda reer Bavaria illaa sannadka 2029.
Weeraryahankan oo 33 jir ah ayaa Bayern Munich kaga soo biiray Tottenham Hotspur sannadkii 2023, isaga oo tan iyo markaas noqday mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan kooxda. Kane ayaa ilaa hadda u dhaliyay Bayern 156 gool, isaga oo u saftay 161 kulan, waana tirooyin muujinaya saamaynta weyn ee uu ku leeyahay kooxda.
Qaab ciyaareedkiisa heerka sare ah iyo guulaha uu la gaaray Bayern Munich ayaa sidoo kale horseeday inuu bishii hore ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or ee sannadka 2026. Sidaas ayuu ku noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Ingiriis ah ee ku guuleysta abaalmarintan tan iyo Michael Owen oo hantay sannadkii 2001.
Heshiiska cusub ayaa la filayaa inuu sidoo kale sare u qaado mushaharka Kane, kaas oo sannadkii qaadan doona 25 milyan oo gini, sida ay wararku sheegayaan.
Kane ayaa isaguna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay sii joogista Bayern Munich, isaga oo hadal uu siiyay bogga rasmiga ah ee kooxda ku yiri:”Waxa aan halkan ku dareemayaa sidii in aan joogo gurigaygii saxda ahaa.”
Waxa uu intaas ku daray: “Waxa aan jeclahay kooxda, taageerayaasha iyo magaaladaba. Waxa aanu nahay koox cajiib ah, sidoo kalena waxa aanu haysannaa tababare cajiib ah oo ah Vincent Kompany. Aad baan ugu faanayaa inaan qayb ka ahay kooxdan.”
Warbixintan heshiis kordhinta Harry Kane waxaa baahisay Sky Sports, waxaana ay imanaysaa xilli Barcelona ay xiisaynaysay inay weeraryahankan keento garoonkeeda, si ay u xoojiso safkeeda weerarka.
Ugu dambayn, Go’aanka Harry Kane ee sii joogista Bayern Munich ayaa dhabar-jab ku noqon kara qorshihii Barcelona ee ku aaddanaa saxiixiisa.
Dhanka kale, heshiiskan cusub wuxuu Bayern u xaqiijinayaa sii haysashada mid ka mid ah weeraryahannada ugu tayada sarreeya kubadda cagta, isaga oo kooxda siinaya xasillooni iyo awood weerar oo ay ku sii higsan karto hanashada koobab hor leh.