Chelsea oo guul-darro culus dhabarka loo saaray.

0
FB_IMG_1789788176740

Chelsea ayaa guul-darro xanuun badan kala kulantay dhiggeeda Brentford, kaddib markii 3-0 looga adkaaday kulan ka tirsan wareegga shanaad ee Premier League-ga, iyadoo dhibaatooyinka difaaca kooxda Xabi Alonso ay mar kale indhuhu qabteen.

Kooxda Chelsea ayaa booqatay Brentford iyadoo rajaynaysay inay garoonkeeda kala soo baxdo saddexda dhibcood, balse qorshahaas ayaa isu beddelay habeen qaraw ah, kadib markii kooxda martida loo ahaa ay ku garaacday 3-0.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbarro 0-0 ah, iyadoo labada kooxood ay sameeyeen fursado ay goolal ku dhalin kareen.

Brentford ayaa qeybtii labaad si xooggan ku soo laabatay, waxaana daqiiqaddii 61-aad goolka furitaanka u dhaliyay laacibka reer South Africa ee Jaidon Anthony, kaas oo shabaqa Chelsea ku hubsaday kubbad ay kooxda martida loo ahaa ku jebisay difaaca Blues.

Igor Thiago iyo Fabio Carvalho ayaa markii dambe raacsaday goolal kale dhammaadkii ciyaarta, taas oo Brentford u xaqiijisay guul raaxo leh oo 3-0 ah.

Guul-darradan ayaa mar kale toosh ku shidday dhibaatooyinka Chelsea ee dhinaca difaaca, iyadoo kooxda Xabi Alonso ay weli ku dhibtoonayso inay si joogto ah u ilaaliso shabaqeeda.

Gabagabadii, Brentford ayaa saddexda dhibcood si buuxda u mutaysatay, halka Chelsea ay ka tagtay garoonka iyadoo wajahaysa su’aalo cusub oo ku saabsan qaab ciyaareedkeeda iyo gaar ahaan adkeysiga difaaceeda iyo shaki weyn hareeyay halka ay Chelsea kaga dhammeysan karto kala sarreynta horyaalka dhammaadka xilli ciyaareedka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *