Barcelona ayaa guul 1-5 ah ka gaartay Deportivo de La Coruna, iyadoo hogaanka sii dheereysatay. Lamine Yamal ayaa daqiqadii 2-aad gool furay, Aubameyang ayaana barbarreeyay, balse Dani Olmo ayaa Barcelona dib ugu soo celiyay hoggaanka qeybtii hore. Xigasho: Reuters
Qeybtii labaad Barcelona ayaa ciyaarta si buuxda u maamushay, waxaana Raphinha uu daqiiqadihii 50-aad 83-aad iyo 90+1-aad dhaliyay sedax gool. Yamal ayaa caawiyay goolkii ugu danbeeyay, Raphinhana wuxuu noqday xidigii ugu muhiimsanaa kulanka. Xigasho: Barca Blaugranes .
Wargeyska AS ayaa sheegay in Deportivo ay dadaalkeeda sii waday ilaa goolka 1-3, balse ay ugu danbeyn ka adkaan weyday weerarada isdaba jooga ah ee kooxda Barcelona. Goolhaye Leo Roman ayaa sameeyay badbaadino Dhowr ah, balse kooxda Flick ayaa ayaa ciyaarta ku dhameystirtay guul weyn. Xigasho: AS
Gushaan ayaa Barcelona gaarsiisay 39 dhibcood, iyadoo shan dhibcood ka horreysa Atlético Madrid, halka Real Madrid ay leedahay 33 dhibcood. Rueters ayaa xustay in Barcelona ay hadda udiyaar garoobeyso kulan muhiim ah oo ay Atlético Madrid kula ciyaari doonto Camp Nou. Xigasho: Rueters