Tababaraha kooxda Barcelona, Hansi Flick, ayaa magaciisa ku qoray taariikhda kooxda reer Catalonia, kaddib markii uu gaaray guushiisii 100-aad tan iyo markii uu qabtay shaqada tababarenimo ee Barcelona xagaagii 2024.
Macallinka reer Jarmal ayaa guushan taariikhiga ah gaaray kulankiisii 131-aad ee uu hoggaaminayay Barcelona, kaddib markii kooxdiisu 6-1 ku xasuuqday Deportivo Alavés kulan ka tirsanaa horyaalka LaLiga. Guushan ayaa sidoo kale timid xilli Barcelona ay dooneysay inay ka soo kabato labadii guuldarro ee xiriirka ahaa ee ay kala kulantay Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.
Intii uu Flick hoggaaminayay Barcelona, kooxda ayaa diiwaangelisay 100 guulood, 10 barbaro iyo 21 guuldarro, taasoo ka dhigan in boqolkiiba 76.33% kulamadii uu hoggaamiyay ay ku dhammaadeen guul. Sidoo kale, Barcelona ayaa 85% kulamadeeda ku dhamaysatay iyadoo aan laga badin, waana tiro muujineysa joogteynta natiijooyinka wanaagsan ee uu kooxda la gaaray.
Marka la eego tartamada kala duwan, LaLiga ayuu Flick ka diiwaangeliyay 69 guulood 87 kulan, halka Champions League uu ka gaaray 18 guulood 29 kulan. Copa del Rey wuxuu ku gaaray sagaal guulood 11 kulan, halka afartii kulan ee uu ka hoggaamiyay Spanish Super Cup uu dhammaantood guulo ku dhammaadeen.
Waxa kale oo xiiso gaar ah leh in Flick uu noqday tababaraha leh boqolleyda guulaha ugu sarreysa taariikhda Barcelona, isagoo gaaray 76.33%. Luis Enrique ayaa ku xiga marka la eego boqolleyda guud ee guulaha, isagoo lahaa 76.2% intii uu Barcelona joogay.Si kastaba ha ahaatee, Flick weli ma uusan jabin rikoodhka tababaraha ugu dhaqsiyaha badan ee gaaray 100 guulood.
Luis Enrique ayaa guushaas ku gaaray 126 kulan, halka Flick uu u baahday 131 kulan. Pep Guardiola isaguna wuxuu 100 guulood ku gaaray 139 kulan.Dhanka kale, guusha 100-aad ma ahayn tirada keliya ee laga xusi karo kulankii Alavés.
Barcelona ayaa muujisay awooddeeda weerarka, iyadoo lix gool dhalisay, Raphinha iyo Lamine Yamal ay min labo gool dhaliyeen, halka Fermín López uu sidoo kale shabaqa soo taabtay, Anthony Gordon-na uu ku daray gool kale.
Hadda indhaha ayaa ku sii jeeda Hansi Flick iyo waxa uu Barcelona ku soo kordhin doono mustaqbalka, iyadoo tababaruhu uu durba dhisay rikoor taariikhi ah, isla markaana taageerayaasha kooxda ay rajeynayaan in guulahaas ay u beddelaan koobab kale oo waaweyn.