Halyeeygii hore ee Barcelona, Gerard Piqué, ayaa garab istaag xooggan u muujiyay goolhayaha kooxda Andorra, Jesús Owono, kaas oo wajahaya xaalad adag kaddib shil garoonka dhexdiisa ka dhacay oo sababay geerida weeraryahanka Jesús de Miguel.
Jesús Owono ayaa intii ay ciyaar socotay dhex martay kooxaha Tenerife iyo Andorra jilibka xabadka kaga dhuftay weeraryahanka kooxda Tenerife, Jesús de Miguel, kaas oo saacado kaddib u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray shilkaas.
Dhacdadan kaddib, goolhayaha ayaa galay xaalad nafsi ah oo aad u adag, isaga oo xabsi galay, sidoo kalena helay farriimo hanjabaad ah oo ay ku jiraan kuwo loogu gooddinayo in la dili doono.
Dhanka kale, maamulka horyaalka LaLiga ayaa Jesús Owono ku soo rogay ganaax 12 kulan ah, kaas oo la xiriira dhacdadii sababtay geerida weeraryahanka.
Gerard Piqué, oo ka mid ah milkiilayaasha kooxda Andorra ee uu u ciyaaro Owono, ayaa si cad u difaacay goolhayaha, isaga oo ku adkaystay in dhacdadu ahayd shil aan ula kac ahayn.Piqué ayaa yiri:
“Cayaartoyda hadda, ciyaartoydii hore, goolhayayaasha iyo dhammaan dadkii daawaday dhacdada waxay isku raaceen in ay ahayd shil.
“Waxa uu intaas ku daray:”Waxaan si adag u aaminsanahay in ganaax intaas le’eg oo lagu soo rogo dhacdadii dhacday uu ciyaaryahanka gelin karo xaalad aad u adag. Runtii, isagu mas’uul kama ahayn wixii dhacay. Dhacdadu waxay ahayd shil.”
Piqué ayaa sidaas ku muujiyay taageeradiisa Owono, isaga oo ka digay saameynta uu ganaaxa culus ku yeelan karo xaaladda ciyaaryahanka, xilli dhacdadan murugada leh ay dhalisay dood ku saabsan mas’uuliyadda iyo cawaaqibta shilalka ka dhaca garoomada kubadda cagta