Indhaha kubadda cagta Afrika iyo kuwa caalamka ayaa maanta oo Talaado ah ku jeeda magaalada Lausanne ee dalka Switzerland, halkaas oo Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka Ciyaaraha (CAS) ay ku dhawaaqi doonto go’aanka kama dambaysta ah ee murankii ka dhashay final-kii Koobka Qaramada Afrika ee AFCON 2025, kaas oo dhex maray xulalka Senegal iyo Morocco.
Go’aankan oo muddo bilo ah la sugayay ayaa soo afjari kara muran sharciyeed oo si weyn u kala qaybiyay taageerayaasha labada dal, isla markaana go’aamin doona cidda si rasmi ah loogu aqoonsanayo horyaalka Afrika.
Sidee ayuu muranku ku bilowday?
Labada xul ayaa 18-kii Janaayo 2026 ku kulmay magaalada Rabat ee dalka Morocco, ciyaar final ah oo ay Senegal ku guuleysatay 1-0 kaddib waqti dheeri ah, waxaana goolka guusha u dhaliyay Pape Gueye.
Hase yeeshee, kulanka ayaa galay xaalad muran badan dhalisay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee waqtiga caadiga ah, kaddib markii garsooruhu Morocco u dhigay rigoore ay Senegal si weyn uga hortimid.
Ciyaartoyda Senegal ayaa markaas garoonka ka baxay iyaga oo ka cabanaya go’aanka garsooraha, taas oo sababtay in ciyaarta ay hakato muddo ku dhow 14 daqiiqo, ka hor intii uusan kabtanka Sadio Mane ku guuleysan in ciyaartoydiisa dib loogu soo celiyo garoonka.
Rigooradii Morocco ayaa ugu dambeyn la laaday, balse goolhayaha Senegal ayaa iska difaacay, ciyaartuna way sii socotay ilaa Senegal ay ku guuleysatay koobka.
CAF oo go’aankii garoonka ka beddeshay
Arrintu halkaas kuma dhammaan, maadaama Guddiga Racfaanka ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) bishii Maarso uu laalay natiijadii garoonka, isaga oo Senegal ku xukumay in ay ciyaarta ku lumisay sharciga isku dhiibidda (forfeit), isla markaana Morocco siiyay guul 3-0 ah iyo hanashada koobka.
Go’aankaas ayaa dhaliyay caro xooggan oo ka timid dhinaca Senegal, waxaana xiriirka kubadda cagta dalkaas uu dacwad u gudbiyay CAS 25-kii Maarso, isaga oo dalbaday in dib loo eego xukunka CAF.
Maxaa laga sugayaa CAS?
Doodda labada dhinac ayaa lagu dhageystay xarunta CAS ee Lausanne 8-dii Oktoobar, iyadoo ay ka qaybgaleen wakiillada Senegal, Morocco iyo CAF.
Maxkamaddu waxay markii hore filaysay in go’aan degdeg ah laga soo saaro kiiska, balse waxay dooratay in ay diyaariso xukun dhammaystiran oo ay ku jiraan sababaha sharciyeed ee go’aanka.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ay CAS soo saartay Isniintii 23-ka Nofeembar ayaa xaqiijiyay in go’aanka la shaacin doono maanta oo ah 24-ka Nofeembar, galabnimada, iyadoo aan weli la cayimin saacadda rasmiga ah.