Chelsea oo galabta Stamford Bridge kusoo dhaweynaysa Hull City

0
SEI_308914814-e370

Kooxda Chelsea ee uu hoggaamiyo tababare Alonso ayaa galabta ciyaari doonta kulankeeda afaraad ee Premier League xilli ciyaareedkan, iyadoo garoonkeeda Stamford Bridge kusoo dhaweyn doonta Hull City.

Chelsea ayaa saddexdii kulan ee hore ka heshay 6 dhibcood, kaddib markii ay laba guul gaartay halka guuldarro ay kala kulantay Arsenal. Dhanka kale, Hull City ayaa si wanaagsan ku bilaabatay xilli ciyaareedka, iyadoo saddexdii kulan ee ay ciyaartay aan wax guuldarro ah la kulmin, isla markaana uruursatay 7 dhibcood.

Si kastaba, Chelsea ayaa taariikh ahaan gacanta sare ku leh kulankan, maadaama aysan wax guuldarro ah kala kulmin Hull City 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay labada kooxood wada ciyaareen.

Hull City ayaa sidoo kale dhibaato weyn kala kulantay booqashada Stamford Bridge. 18-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Chelsea ku wajahday garoonkeeda, Hull City wax guul ah kama aysan gaarin, iyadoo 15 kulan laga adkaaday, halka 3 kulan ay barbaro ku galeen.

Dhanka kale, Chelsea ayaa galabta fursad u haysata inay sameyso rikoor taariikhi ah. Haddii ay gool dhaliso daqiiqadaha ugu horreeya ee kulanka, waxay noqon doontaa kulankii afaraad oo xiriir ah oo ay sidaas sameyso, taasoo ka dhigi karta Chelsea kooxdii ugu horreysay ee Premier League-ga rikoor noocaas ah sameysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *