Messi oo markale mucjisadiisa tusay calamka kubadda cagta!
Lionel Messi ayaa mar kale indhaha kubadda cagta u soo bandhigay waxa uu awood u leeyahay, kaddib markii uu Inter Miami u dhaliyay gool cajiib ah kulankii ay la ciyaareen Columbus Crew. Xiddiga reer Argentina ayaa laad xor ah ka dhaliyay meel aad u cidhiidhi ah, isagoo kubadda si toos ah ugu diray shabaqa, taas oo noqotay mid ka mid ah goolashii ugu yaabka badnaa ee uu MLS ka dhaliyay.
Columbus Crew ayaa ciyaarta hoggaanka ku qabatay gool rigoore ah, balse Messi ayaa wax yar kaddib jawaab degdeg ah ka bixiyay. Goolkiisa ayaa Inter Miami dib ugu soo celiyay ciyaarta, waxaana uu ahaa goolkiisii 21-aad ee MLS xilli ciyaareedkan, isagoo sii xoojinaya hoggaankiisa tartanka gooldhalinta.
Goolkan ayaa sidoo kale ahaa laad-xorihii 76-aad ee Messi uu dhaliyay intii uu ku jiray xirfaddiisa, sida ay warbixinadu sheegeen. Waxa uu sidaas ugu sii dhowaaday rikoodhka 78-ka laad xor ee Marcelinho Carioca loo diiwaangeliyey.
Inkasta oo Messi uu sameeyay qeybtiisa oo uu Inter Miami barbaraha ku soo celiyay, kooxda Miami ayaa ugu dambeyn guuldarro 2–1 ah kala kulantay Columbus Crew, kaas oo goolka guusha dhaliyay waqtigii dheeriga ahaa. Sidaas darteed, mucjisada Messi ma aysan ku filnaan in kooxdiisu ay saddexda dhibcood la soo baxdo.
Messi ayaa sidoo kale sii wada inuu si joogto ah shabaqa u gaaro, iyadoo goolkan uu noqday kii afraad ee uu dhaliyo afartii kulan ee ugu dambeysay ee uu Inter Miami u ciyaaray. 39-jirka ayaa mar kale muujiyay in tayadiisa laadadka xorta ah ay weli tahay mid si weyn looga hadlo.