Zidane oo ammaan ugu qabeeyay xiddig ka tirsan safka Chelsea.

0
skysports-zinedine-zidane-real-madrid-la-liga_4135757

Inkasta oo Belgium ay guuldarro culus kala kulantay Faransiiska, haddana bandhiggii uu sameeyay xiddiga khadka dhexe ee Chelsea, Romeo Lavia, ayaa soo jiitay indhaha tababaraha Faransiiska, Zinedine Zidane, kaas oo si gaar ah u ammaanay tayada da’yarka.

Ciyaartii u dhexeysay Faransiiska iyo Belgium, oo Belgium ugu dambayn lagu garaacay afar gool, ayaa Lavia ku soo bandhigay qaab ciyaareed indhaha soo jiitay, gaar ahaan baas cajiib ah oo uu u dhigay saaxiibkiis Dodi Lukebakio, kaas oo fursaddaas si wanaagsan u dhammaystiray.

Inkasta oo Belgium ay muddo dheer gacanta sare ku haysay ciyaarta, haddana Faransiiska ayaa si xooggan uga jawaabay daqiiqadihii ugu dambeeyay, isagoo dhaliyay afar gool oo ciyaarta natiijadeeda beddelay.

Zidane ayaa sheegay in waxa ugu badan ee uu ka helay bandhigga Lavia uu ahaa aragtida iyo tayada uu ku muujiyay baasaska uu sameeyay.“Aad ayaan uga helay baaskii uu sameeyay, runtii. Inkastoo aanan si buuxda isaga ula socon, maadaama aan ku mashquulsanaa ciyaartoydayda, haddana waxa uu wiilkaasi sameynayay waxay ahaayeen wax la yaab leh. Waa ciyaaryahan gaar ah oo runtii tayo badan leh,” ayuu yiri Zidane.

Chelsea ayaa Romeo Lavia kala soo saxiixatay Southampton xagaagii 2023, iyadoo kula soo wareegtay lacag lagu qiyaasay 53 milyan oo euro.Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii uu Stamford Bridge yimid, da’yarka reer Belgium waxaa si joogto ah u saameeyay dhaawacyo kala duwan, kuwaas oo hakiyay horumarkiisa isla markaana yareeyay fursadihii uu si joogto ah ugu ciyaari lahaa kooxda.

Hadda, Lavia wuxuu helayaa kalsooni dheeraad ah iyo fursado badan oo uu isku muujiyo, iyadoo uu sidoo kale rajeynayo inuu ka fogaado dhaawacyadii soo noqnoqday ee horay u hakiyay horumarkiisa.

Ugu dambeyntii, Bandhiggii uu Lavia ka sameeyay kulankii Belgium iyo Faransiiska wuxuu muujiyay in tayada da’yarkaasi weli si weyn u muuqato. Haddii uu joogteeyo caafimaadkiisa oo uu helo fursado joogto ah, Romeo Lavia wuxuu fursad u haystaa inuu noqdo mid ka mid ah xiddigaha muhiimka ah ee Chelsea iyo xulka Belgium mustaqbalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *