Arsenal ayaa si rasmi ah ula wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League-ga kaddib markii ay guul muhiim ah oo 1-0 ah kaga soo gaartay Liverpool garoonka Anfield.
Gunners ayaa soo afjartay muddo 14 sano ah oo aysan guul kaga soo gaarin garoonka Anfield, iyadoo sidoo kale ka faa’iidaysatay dhibcihii ay Manchester City lumisay kulankeedii shalay.
Arsenal ayaa booqatay garoonka Anfield iyadoo xambaarsan laba hadaf oo waaweyn: inay soo afjarto abaartii guulaha ee muddada dheer ka haysatay garoonkaas iyo inay ka faa’iidaysato guuldarradii Manchester City si ay ula wareegto hoggaanka horyaalka.
Labadaas hadaf ayaa ugu dambayn u hirgalay kooxda reer London, taasoo guul-darro xanuun badan dusha uga tuurtay Liverpool kulan si weyn loo wada sugayay.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay xawaare sare, iyadoo Arsenal ay si xooggan u weerartay Liverpool, halka kooxda martida loo ahaa ay isku dayaysay inay iska caabbiso cadaadiska ay Gunners saartay.
Arsenal oo u muuqatay koox si cad u garanaysa waxa ay Anfield u timid ayaa ugu dambayn heshay goolkii ay raadineysay. Kai Havertz ayaa daqiiqaddii 16-aad shabaqa Liverpool soo taabtay, kaddib markii uu dhammeystiray kubbad uu ka helay Declan Rice, taasoo timid kaddib qaladaad ay sameeyeen daafacyada Liverpool.
Goolka kaddib, Arsenal ayaa xoogga saartay adkaynta difaaceeda iyo ilaalinta hoggaanka ciyaarta. Liverpool ayaa isku dayday inay soo laabato oo ay hesho goolka barbaraha, balse difaaca Gunners ayaa si wanaagsan u maareeyay weerarradii kooxda martida loo ahaa.
Ugu dambayn, ciyaartu waxay ku soo dhammaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday Arsenal, taasoo Anfield kala baxday saddex dhibcood oo dahabi ah.
Guushan ayaa Arsenal u ahayd mid taariikhi ah, maadaama ay soo afjartay muddo 14 sano ah oo aysan guul kaga soo gaarin Anfield. Sidoo kale, waxay kooxdu ka faa’iidaysatay dhibcihii ay Manchester City lumisay, iyadoo hadda hoggaanka horyaalka ku qabatay 24 dhibcood.
Arsenal ayaa dirtay farriin cad oo ku socota kooxaha kula loollamaya hanashada Premier League-ga. Guusha Anfield laga gaaray ma ahayn oo keliya saddex dhibcood, balse waxay ahayd tallaabo weyn oo kor u qaadaysa kalsoonida kooxda iyo rajadeeda ku aaddan hanashada horyaalka. Hadda su’aasha taagan ayaa ah: Gunners ma awoodi doontaa inay hoggaankan sii haysato ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka?