Martin Zubimendi ayaa wajahaya mustaqbal aan caddayn oo ku saabsan joogitaankiisa Arsenal, iyadoo kooxda reer London ay albaabada u furtay inay iibiso khadka dhexe ee reer Spain suuqa kala iibsiga ee soo socda, kaddib markii uu ku dhibtooday inuu helo daqiiqado ciyaareed oo ku filan.
27-jirkan ayaa ilaa hadda heli la’ daqiiqo cayaareed oo ku filan isaga oo 12 kulan oo ay Arsenal ciyaartay xilli ciyaareedkan, garoonka ku qaatay 380 daqiiqo oo keliya.
Xaaladdiisa ayaa is beddeshay kaddib markii Arsenal ay la soo wareegtay Bruno Guimarães, halka Lewis Skelly sidoo kale loo adeegsaday booska lambarka 6-aad, taas oo sii adkaysay fursadihiisa uu ku heli lahaa boos joogto ah.
Dhanka kale, Atlético Madrid ayaa si weyn u danaynaysa saxiixa Zubimendi, iyadoo kooxda reer Spain ay rajaynayso inay garoonkeeda Wanda Metropolitano keento ciyaaryahanka inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
Arsenal ayaa la sheegayaa inay ku qiimaynayso laacibkan 60 milyan oo euro, si ay dib ugu soo ceshato ugu yaraan lacagtii ay kaga soo iibsatay kooxda Real socidad xagaagii 2025.
Warka xiisaha leh ayaa ah suurtagalnimada heshiis is-weydaarsi ah oo ay qayb ka noqon karaan Zubimendi iyo weeraryahanka Julian Álvarez. Sida ay wararka qaar tilmaamayaan, Arsenal ayaa doonaysa adeegga Álvarez, halka Atlético Madrid ay heli karto Zubimendi iyo lacag dheeraad ah. Si kastaba ha ahaatee, qorshahan weli ma aha qayb heshiis rasmi ah oo la xaqiijiyey.