Kooxda Chelsea ayaa isha ku haysa saxiixa difaaca midig ee Barcelona, Jules Koundé, iyadoo qorshaynaysa inay dib u habayn ku samayso khadkeeda dambe suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.
Dhaqdhaqaaqan ayaa imanaya xilli mustaqbalka Malo Gusto ee Stamford Bridge uu mugdi ku jiro.
Chelsea ayaa doonaysa inay la soo saxiixato Jules Koundé oo ay u aragto beddelka Malo Gusto, kaas oo la sheegay inuusan ku qanacsanayn xaaladdiisa kooxda, isla markaana ka fikiraya inuu isaga tago Stamford Bridge inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee Janaayo.
Dhanka kale, Barcelona ayaa diyaar u ah inay dhegeysato dalabyada laga soo gudbiyo Koundé, iyadoo doonaysa inay dhaqaale ka samayso iibkiisa si ay awood ugu yeelato inay la soo saxiixato ciyaartoyda ay doonayso inay safkeeda ku xoojiso.
Daafacan 28-jirka ah ayaa la sheegay inuu doorbidayo u dhaqaaqista Premier League-ga Ingiriiska, inkastoo ay sidoo kale jiraan kooxo ka dhisan dalka Sacuudiga oo xiisaynaya adeegyadiisa.
Koundé ayaa la fahamsan yahay inuu diyaar u yahay ku biirista Chelsea, halka tababare Xabi Alonso uu si weyn ula dhacsan yahay tayadiisa iyo awoodda uu u leeyahay inuu ka ciyaaro labada boos ee daafaca midig iyo daafaca dhexe.
Gabagabadii, Chelsea ay dhab ka tahay helitaanka Koundé, Barcelona-na ay aqbasho inay iibiso, waxaa suuragal ah in suuqa Janaayo uu Stamford Bridge keeno difaac khibrad leh oo awood u leh inuu daboolo wax ka badan hal boos.
Su’aasha ugu weyn ayaa ah: Chelsea ma ku guulaysan doontaa saxiixa xiddiga reer France?
xigasho: Team Talk