Xiddiga reer Brazil ee Raphinha ayaa rikoor cusub ka dhigay kooxda Barcelona, kaddib markii uu labo gool ka dhaliyay kulankii ay xalay 3-0 kaga adkaadeen Aston Villa, ciyaar ka tirsaneed tartanka Champions League.
Raphinha ayaa labadii gool ee uu kulankaas ka dhaliyay ku gaaray 23 gool oo Champions League ah isagoo u ciyaaraya Barcelona, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah xiddigaha ugu goolasha badan taariikhda kooxda ee tartankan.
Guushan ayaa sidoo kale Raphinha ka dhigtay ciyaaryahanka reer Brazil ee ugu goolasha badan Barcelona ka dhaliyay Champions League, isagoo dhaafay xiddigo waaweyn oo reer Brazil ah oo hore kooxda ugu soo ciyaaray.
Marka la eego liiska gooldhaliyeyaasha taariikhda Barcelona ee Champions League, Lionel Messi ayaa hoggaaminaya isagoo leh 120 gool, waxaana ku xiga Luis Suárez oo leh 25 gool. Raphinha iyo Robert Lewandowski ayaa isku haya kaalinta saddexaad, iyagoo min 23 gool leh.
Raphinha ayaa sidaas ku sii xoojinaya booskiisa taariikhda Barcelona, isagoo muujinaya inuu yahay mid ka mid ah hubka ugu muhiimsan ee kooxda Hansi Flick, gaar ahaan kulamada waaweyn ee Yurub.