Wararka xanta ah ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa maanta oo Talaado ah si kala duwan loo hadal hayaa, iyadoo kooxaha waaweyn ee Yurub ay durba bilaabeen qorshayaashooda ku aaddan xoojinta safafkooda.
Arsenal ayaa indhaha ku haysa da’yar ka tirsan Bournemouth, Manchester United ayaa bartilmaameedsanaysa afar ciyaartoy oo Borussia Dortmund ka tirsan, halka Real Madrid ay xiisaynayso goolhayaha Brighton ee Bart Verbruggen.
Arsenal oo loollan adag ugu jirta saxiixa Eli Junior Kroupi
Arsenal ayaa si xooggan u danaynaysa inay suuqa kala iibsiga jiilaalka la soo saxiixato da’yarka kooxda Bournemouth, Eli Junior Kroupi.
Kooxda hoggaanka u haysa Premier League-ga ayaa wajahaysa tartan adag, maadaama PSG iyo Bayern Munich ay sidoo kale doonayaan inay helaan saxiixa 20-jirkan. Sida ay warinayso wargeyska Mirror, saddexdan kooxood ayaa si dhow ula socda xaaladda xiddiga da’da yar.
Dhanka kale, Arsenal ayaa sidoo kale xiisaynaysa Kenan Yıldız, oo ah 21-jir garabka uga ciyaara Juventus, balse tababaraha Mikel Arteta ayaa mudnaanta siinaya xoojinta weerarka, gaar ahaan helitaanka weeraryahan awood u leh inuu goolal joogto ah dhaliyo. (Mirror)
Manchester United oo afar ciyaartoy ka doonaysa Borussia Dortmund
Manchester United ayaa isha ku haysa afar ciyaartoy oo ka tirsan kooxda Borussia Dortmund, iyadoo doonaysa inay safkeeda ku xoojiso xiddigo tayo leh.
Ciyaartoyda ay Red Devils xiisaynayso ayaa kala ah weeraryahanka reer Guinea ee Serhou Guirassy, oo 30 jir ah, qadka dhexe ee xulka Ingiriiska, Jobe Bellingham oo 21 jir ah, raace dhisaha xulka Germany, Felix Nmecha oo 26 jir ah, iyo daafaca reer Sweden ee Daniel Svensson oo 24 jir ah.
Warbixinta TeamTalk ayaa tilmaamaysa in kooxda reer England ay si dhow ula socoto afartan ciyaartoy, kuwaas oo ay u aragto kuwo wax weyn ku soo kordhin kara qorshaheeda mustaqbalka.
Goolhayaha Brighton oo doonaya inuu ku biiro Real Madrid
Goolhayaha kooxda Brighton, Bart Verbruggen, ayaa la sheegay inuu si weyn u danaynayo fursadda uu ugu biiri karo Real Madrid.
24-jirkan reer Netherlands ayaa u arka xiisaha kooxda reer Spain fursad weyn oo uu ku gaari karo heer cusub oo xirfaddiisa ciyaareed ah, isaga oo doonaya inuu mustaqbalka ka ciyaaro garoonka Santiago Bernabéu. (Football Insider)
Brighton oo baadi-goob ugu jirta daafac reer Portugal ah
Brighton ayaa isha ku haysa daafaca kooxda Estoril ee reer Portugal, Jordan Arnolin, iyadoo doonaysa inay xoojiso khadkeeda dambe.
Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in ciyaaryahanka laftiisu uu xiisaynayo xiisaha uga imaanaya gobolka Catalonia, gaar ahaan kooxda Barcelona, taas oo xaaladdiisa ka dhigaysa mid mudan in lala socdo. (Sports Witness)
Atlético Madrid oo doonaysa da’yarka Stefan Dzodic
Atlético Madrid ayaa qorshaynaysa inay la soo saxiixato da’yarka kooxda Almería iyo xulka qaranka Serbia, Stefan Dzodic.
21-jirkan ayaa lagu tilmaamay ciyaaryahan ay kooxda reer Madrid u aragto mid mustaqbal wanaagsan leh, iyadoo doonaysa inay ku xoojiso safkeeda xilli ciyaareedka soo socda. (Marca)
Liverpool oo hoggaaminaysa loollanka Lamine Camara
Monaco ayaa diyaar u ah inay iibiso xiddigeeda khadka dhexe ee Lamine Camara, kaas oo ay xiisaynayaan kooxo dhowr ah oo waaweyn oo Yurub ah.
Da’yarkan ayaa hore loola xiriiriyay Chelsea, balse heshiiskii la filayay inuu labada dhinac dhex maro ma hirgelin. Hadda Liverpool ayaa la sheegay inay hoggaaminayso tartanka loogu jiro saxiixiisa, iyadoo diyaar u ah inay bixiso lacagta lagu burburin karo heshiiskiisa. (Football Insider)
Afar kooxood oo Premier League ah oo doonaya Javi Rodríguez
Newcastle United, Everton, Fulham iyo Bournemouth ayaa dhammaantood xiiso xooggan u muujinaya ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Celta Vigo, Javi Rodríguez.
Afartan kooxood ayaa doonaya inay helaan saxiixa xiddigan, iyadoo tartanka loogu jiro adeegyadiisa uu sii xoogaysan karo marka uu furmo suuqa kala iibsiga. (TeamTalk)
Adam Wharton oo laga yaabo inuu isaga tago Crystal Palace
Mustaqbalka Adam Wharton ee Crystal Palace ayaa mugdi sii gelaya, iyadoo la filayo inuu kooxda ka tago dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Xiddiga khadka dhexe ayaa la sheegay inuu dalabyo iyo xiiso ka helayo kooxo kala duwan oo ka dhisan gudaha England, kuwaas oo doonaya inay ka faa’iidaystaan fursadda ay kula soo saxiixan karaan ciyaaryahanka. (Football Insider)
Ugu dambeyntii, Suuqa kala iibsiga ayaa durba bilaabay inuu yeesho xiiso gaar ah, iyadoo kooxaha waaweyn ee Yurub ay tartan ugu jiraan saxiixyada xiddigaha mustaqbalka iyo kuwa khibradda leh. Liverpool, Arsenal iyo Manchester United ayaa ka mid ah kooxaha ugu firfircoon xilligaan, balse waxaa la sugayaa in xiisaha iyo wararka xanta ahi isu beddelaan heshiisyo rasmi ah marka suuqu furmo.